MAXAA XAL U AH SIYAASADDA FASHILKA AH EE SIYAASIYIINTA HAWIYE LAGA DHAXLAY. QEYBTA 1AAD

62 SANO KA DIB BEELAHA HAWIYE EE METELAADDA WAAYEY HOGAAN CEYNKEE AH AYEY U BAAHAN YIHIIN? AQRISTE KA BOGO XOGTA OO TAFA TIRAN! Q 1AAD.

Asc wr Mudaneyaal iyo Marwooyin akhristeyaasheyda sharafta leh waxaan qormadeyda ku soo qaadanayaa doodihii baaxada weyn lahaa ee ka dhashay maqaaladii 8da qeybood ka koobnaa ee aan ugu magac daray (MAXAA SABABAY DAMIINIMADA SIYAASADEED EE 62 JIR SATEY FASHILISAYNA SIYAASIYIINTA HAWIYE MARKA LOO FIIRIYO FURSADAHA AY U HELEEN HOGAAMINTA DALKA)?

Mar hadii aan u soo bandhignay si wanaagsan oo aan waxba leysku qarin dhaliilaha dhinaca siyaasadda iyo hogaamin xumida madaxda Hawiye ee fursadaha u heshay iney Dalka madax ka noqdaan, madaxdaas Hawiye oo gaareysa shan madaxweyne oo aan ka tegin wax raasumaal siyaasadeed iyo mid bulsho ah ee ay ka dhaxleen bulsho weynta Hawiye oo ay magacooda xilalka ku heleen.

Sidaas darteed ayaa waxaa talo is weydaarsi iyo doodo aan loo kala kicin ay dhex mareen, bulshada qeybaheeda kala duwan ee la magac baxay rajo soo celiyayaasha siyaasadii dhuntay ee beelaha Hawiye mudadii 62 sano aheyd ee lasoo dhaafay, waxaana idiin soo ban dhigeynaa talooyinkii iyo doodihii mira dhalka ahaa ee dhex maray bulshada Hawiye qeybahooda kala duwan, waxeyna u dhaceen sidan soo socota.

B- siyaasiyiinta hor u socodka ah ee mudada dheer-na dareensanaa ku dhaqanka siyaasadda damiinka ah ee ay lasoo shir tageen siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Hawiye ee daneystayaasha, caada qaatayaasha u ahaa beelaha Soomaaliyeed ee uu naga dhexeeyo xafiltanka siyaasadeed ayaa u diyaarsan iney la yimaadaan siyaasad fur furan oo isbedel ku sameyn doonta siyaasadihii daneysiga ku dhisnaa ee ay ku soo maamulayeen mudadii 62 sano aheyd ee la soo dhaafay siyaasiyiinta Hawiye ee shisheeye kal kaalka ah

T- ganacsatada Hawiye ee horu socodka ah isla markaas-na aaminsan in ay lama huraan tahay sidii wax looga bedeli lahaa daciifnimadda siyaasadeed ee ku habsatey doorkii hogaamineed ee ay qaadan lahaayeen siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Hawiye, sidoo kale waxey talo ahaan u soo jeediyeen ganacsatada horu socodka ah ee u taagan hagaajinta danaha dadkooda iyo deegaanadooda in dhaqan celin iyo jiheyn cusub oo lagu hagaajinayo siyaasad horumarsan ee ay la yimaadaan beelaha Hawiye aan laga maarmi doonin mudada dhow iyo fogba.

Si taas loo xaqiijiyana waxaa loo baahan yahay in lala yimaado toosin iyo turxaan bixin loo sameeyo ganacsatada Hawiye ee mudada 62 sano ah ee lasoo dhaafay dalaaliinta ka ahaa fagaarayaasha siyaasada, dhaqankaas kaligi noolaanshiyaha ku dhisan ee aan u daneyneyn masaalixda Dalkooda, dadkooda iyo deegaanadooda intaba.

Ganacsatadaas Hawiye ee dalaalnimada ku caan baxay waa in lagu hagaajiyo wadada wanaagsan ee maslaxadu ugu jirto beelaha Hawiye, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen ganacsatada dalaaliinta ahi sidii ay kaligood u macaashi lahaayeen iyagoo macaash kaas ku bedelanaya, duli, ilhaano, magac xumo isla markaas-na ay dadkooda iyo deegaanadoodaba ka dhigeen kuwo aan jirin oo bar kuma taal ah

J- saraakiisha damiir koodu wanaagsan yahay ee u taagan hagaajinta hanaan wanaagsan ee ku dhisan siyaasad xambaarsan metelaad iyo maamuus wanaag ay ka dhaxlaan bulsho weynta Hawiye si looga gudbo habac sanaanta dhinaca siyaasadda ah ee ku dhacday siyaasiyiinta Hawiye ee aan weligood ka shaqeyn danaha dalkooda, dadkooda iyo deegaanadooda intaba

X- aqoon yahanada kasoo jeeda beelaha Hawiye ee wax usoo bartay dhisida bulsho caafimaad qabta isla markaas-na hiigsigoodu yahay siyaasad fur furan oo xambaarsan metelaadda bulsho weynta Hawiye, siyaasadaas oo ka turjumeysa xaqiijinta waayo iyo waqti cusub oo looga mira dhalin doono is bedel deg deg ah oo lala yimaado 62 sano kadib, waxaana lama huraan ah in la soo bandhigo isla xisaabtan dhab ah oo ka duwan waayihii lagu soo dhaqmayey damiinimadda siyaasadeed

Kh- Culumaa,udiiinka beelaha Hawiye ayaa sidoo kale diyaar u ah iney doorkooda qaataan si leysu waafajiyo ku dhaqanka Kitaabka Alle iyo Sunadda (NABIGA SCW) isla markaas-na laga fogaado wax walba oo wax u dhimaya diinteena suuban ee Alle nagu maneystay 

D- dhalinyarada Hawiye ee maanta ah hogaamiyaasha berito ayaa waqtigaan la joogo u diyaarsan iney qaataan doorkooda saliimka ah iyagoo ka faa,iideysanaya awooda aan qarsooneyn ee ay ku dhex leeyihiin bulshadda Hawiye, markii tirkoob lagu sameeyey koboca bulshadda Hawiye waxey banaanka soo dhigtay in dhalinyaradu maanta yihiin awooda dhabta ah ee jirta, tirakoob kuna wuxuu na tusayaa in dhalinyaradu ay yihiin kuwa uga badan bulshadda Hawiye, tirakoob hordhac ah oo la sameeyana wuxuu cadeynayaa in 75% Bulshadda Hawiye ay dhalinyaro yihiin

R- haweenka Hawiye oo mar walba laf dhabar u ah hagaajinta iyo tayeynta bulshadda Hawiye ee hiigsigoodu yahay horumar, barwaaqo iyo baraare, muddo dheerna u soo ciil cunay damiinimadda siyaasadeed ee siyaasiyiinta Hawiye ay ku soo bandhigeen masraxa siyaasadda ee lagu soo xisaab tamayey mudada 62 sano ah ayaa waqtigaan diyaar u ah iney qaataan doorkooda is bedel ee lagu saxayo laguna tayeynayo siyaasadda beelaha Hawiye

TUSMO IYO TURXAAN BIXIN KU SAABSAN HIIGSIGA IYO HIMILADA BEELLAHA HAWIYE!

Mar walba waxaa la xusuustaa oo la xusaa cid walba oo masuuliyad umadeed soo qabatay wixii wax qabad wanaagsan ahaa ee uu la yimid ama ay la timid, sidoo kalena waxaa la sheegaa wixii ay ka gaabiyeen si loogula xisaabtamo.

Sidaas darteed waxaa fashilka siyaasadeed ee beelaha Hawiye la soo gudboonaadey hormuud ka ahaa shantii madaxweyne ee nasiibka u yeeshay iney Dalka soo hogaamiyaan iyo siyaasiyiinta waqtiyadaas caanka ka ahaa saaxada siyaasadda oo aan intooda badan waxba laga dhaxlin marka laga reebo shaqsiyaad ka soo jeeda beelaha Hawiye oo ka soo baxay doorkoodii saliimka ahaa ee uga aadanaa metelaadda Dalkooda, dadkooda iyo deeganadooda intaba.

Bulshadda Hawiye qeybaheeda kala duwan ee is bedel doonka ah isla markaas-na lagu bedelayo ku dhaqanka siyaasadda ma dhaleyska ah ee 62 sano jirsatey ee ay hormuudka u soo ahaayeen siyaasiyiinta danaeysta yaasha, kaligood noola yaalayaasha, arxan laawayaasha ah.

 Siyaasadda cusub ee lasoo bandhigi doono dhowaan oo aan aheyn mid ku daneysi ah ee waxey u daneyneysaa bulshadda kasoo jeeda beelaha Hawiye ee ku dulman ku tar tanka saaxada siyaasadda ee mudada dheer soo jirtey, waxaa la abuurayaa jawi degan oo lagu dhisayo metelaad dhab ah, dhowrista sharafka bulshada Hawiye, nafta, maalka iyo jiheynta muwaadiniinta beelaha Hawiye meel walba oo ay ka joogaan Dalka iyo Diabaddaba.

 Sidoo kale waxaa la yagleelayaa dhismaha Bulsho u taagan ilaalinta, Diintooda, Dalkooda, deeganadooda iyo dhowrista nabad kuwada noolaashiyaha Soomaalida deriska la ah Bulshadda kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Hiigsiga hal ku dhigaanuna wuxuu noqon doonaa in lala yimaado is bedel dhab ah oo saameyn togan iyo mid Toban-ba ku yeelan doonta saaxadda siyaasadda iyadoo la ilaalinayo masaaliixda siyaasiga ah iyo metelaadda bulshadda ku abtirsata beelaha Hawiye, xaqiijinta himilooyinkaan xambaarsan ujeedooyinka mudada fog iyo kuwa dhow-ba waxaa lagu jaan goyn doonaa waqtiyada soo socda Insha Allah. Aqriste la soco Q 2aad Insha Allah.

                   

Comments