Sababto Maxamuud Hiraab loo bixiyee naaneeysta Duduble

(Sababta Duduble loogu baxshay Duduble Xordage, iyo Qisadii ay ugu baxday naaneysta xordage).


Xilligii uu Dalka joogay Gumeeystihii Talyaaniga oo uu inta baddan Koonfurta Soomaaliya Gacanta ku haaayay, ayuu 2 Nin oo Heyb ahaan kasoo jeeda Majeerteen, Sahan ahaan ugu diray Dhulka Duduble oo loo yaqaano #Dooxa_duduble, si ay usoo Sahmiyaan in Dhulkaasu yahay Dhul Barwaaqo ah kuna haboon Gumaysiga.

2-dii Nin ayaa tagay Dhulkii Duduble, Dadkii Dudublaha ahaay ee Xilligaas noolaay waxay Fahmeen in Nimanka yimid ay sahan uyihiin gumaystihii talyaaniga ahaay, waxay ku xireen Fardo waxayna kusoo wareejiyeen ayaga oo jiidaayo Xiindheere ilaa Ceelgaras.

Nimankii oo Jirkoodii Gogo'ay Silac iyo Rafaadna ka muuqdo ayey sii dayeen, Nimankii ayaa u tagay Talyaanigii, waxayna ku dhaheen
" Talyaaniyoow dhulka aad noogu dirteen Sahanka, waxaa jooga Gumeyste kale oo darran"

Markaas ayeey raacday Naanesta ah xordage. 

Comments