MAXAA SALDHIG U NOQON DOONA SIYAASADDA CUSUB EE AY KULA DHAQMI DOONAAN BEELLAHA HAWIYE SOOMAALIDA XAFILTANKA SIYAASADEED UU KALA DHEXEEYO SI LOOGA MIRA DHALIYO HIMILOOYINKA SIYAASADEED EE AY HIIGSANAYAAN! Q 3AAD.

MAXAA SALDHIG U NOQON DOONA SIYAASADDA CUSUB EE AY KULA DHAQMI DOONAAN BEELLAHA HAWIYE SOOMAALIDA XAFILTANKA SIYAASADEED UU KALA DHEXEEYO SI LOOGA MIRA DHALIYO HIMILOOYINKA SIYAASADEED EE AY HIIGSANAYAAN! Q 3AAD.

Soomaalida nolol raadiska ah ee kasoo shaqo tegaya maamulada ay dhisteen beelaha Soomaaliyeed ee kala ah Soomaaliland, Putland, Jubaland, Koofur galbeed iyo Beesha shanaad, dhaqan kooduna yahay (KEYGANA ANIGAA ISKA LEH KAAGANA KULA LIHI).

Dhaqan kaas laab la kaca ah ee aan shaqeyneyn mudada dheer-na ay beelaha kor ku xusan ku boobayeen hantida beelaha Hawiye, isla markaas-na ay ku abaal marinayeen beelaha Soomaaliyeed ee kor ku xusan beelaha Hawiye ee ay martida u ahaayeen aflagaado iyo meel ka dhacyo taariikhda galay intey iska hilmaamaan damacooda boobka ku dhisan hasoo ban dhigaan beelahaasi wax aan aheyn aan kugu kor noolaado.

Beelaha hanti doonka ah ee Soomaaliyeed hadii ay rabtaan inaan wax wada lahaano nagu soo darsada hantidiina, cashuurta, ciidanka iyo in awooda dowladu gaarto deegaanada aad maamushaan, hadii aad taas diidaana beelaha Hawiye waxey si cad oo aan leex leexad laheyn u beegsan doonaan beelaha u soo shaqo tegey iney boobaan hantidooda isla markaas-na ay ku maal geliyaan deeganada ay ka yimaadeen siyaasiyiinta hororka ah ee dhibaatada xargaha goostay ku haya bulshada ku abtirsata beelaha Hawiye 

10- beelaha Hawiye iyo bulshada Soomaaliyeed ee la degta caasimada Muqdisho waxey dhisan doonaan maamul goboleedka (BANAADIR STAT), inta aan maamul kaas lagu dhawaaqina waxaa wada tashi iyo dhab u xisaabtan wada yeelan doona beelaha Soomaaliyeed ee ay gogosha u dhigayaan beelaha Hawiye oo ah bulshada ugu badan ee degta caasimada Muqdisho taladuna ay ka go,do, ma jiri doonto cid lagala tashan doono maqaamka caasimada Muqdisho ee aan ka aheyn bulshada deegaanka degan

11- beelaha Hawiye waxey ka fiirsan doonaan oo aaney kasii mid ahaan doonin dowlad goboleedka Koofur galbeed, maamul kaas oo noqday mid fadhiid ah isla markaas-na diidey inuu fuliyo hanaankii wax qeybsi ee ay ku heshiiyeen beelihii maamul kaas wada dhistay.

Dowlad goboleedka Koofur galbeed wuxuu canshuurta ka qaataa deegaanada ay degaan beelaha Hawiye ee Shabeeladda hoose, beelaha Hawiye ee canshuur bixiyayaasha ah waxey cadeynayaan inaaney bixin doonin canshuur wixii ka dambeeya sanadka cusub ee 2023.

Beelaha Hawiye waxey iska diidi doonaan in dowlad goboleedka koofur galbeed ay ka howl gasho deeganada ay ku xoogan yihiin beelaha Hawiye ee shabeelada hoose, waxeyna uga digayaan maamulka koofur galbeed inuu ku soo xad gudbo deegaanada aan laga taageersaneyn maamulka fadhiidka ah oo ku caan baxay kala qeybinta bulshada, qaraabo kiilka iyo nin jecleysiga.

12- Beelaha Hawiye waxey si buuxda oo uu ku jiro isla xisaabtan iyo dib u sixitaan qaladaadkii soo dhacay ugu war gelinayaan beelaha Soomaaliyeed ee uu hal ku dhigoodu yahay, (WAXEYGANA ANIGAA ISKA LEH KAAGANA KULA LIHI), sidoo kale beelahaas dulmiyayaasha beelaha Hawiye ahi waxey doonayaan in lagu difaaco Qaranimada iyagoo aaney beelahaasi waxba uga bixin naf, maal, muruq iyo maskax intaba ilaalinta hanaanka dowladnimada.

Astaanta mideysa umadda Soomaaliyeed ee kala danta ah waa calanka buluuga ah, intooda calanka buluuga ah ku daneysata ee aan dooneyn iney sare u qaadaan jiritaankiisa.

Astaan taas Qaran ee ah calanka buluuga ee ay xidigta cad ee shanta gees lehi ay dhexda uga taalo, beelaha Hawiye waxey Qaranka Soomaaliyeed difaacayeen 62 sano waxaana uga baxay naf, maal, muruq iyo maskax intaba.

Garashadaas wanaagsan iyo is xilqaam kaas ay beelaha Hawiye u garteen ilaalinta midnimada iyo wada jirka Soomaalida waxey beelaha Hawiye ku muteysteen, dilal wadareedyo, qaraxyo, toogasho, boob iyo biliqo loo geystey hantida guurtida iyo ma guurtida ah ee beelaha Hawiye.

Barakicin aan loo meel deyin, xaalufinta dhirta laga xaalufinayo deegaanada ay degan yihiin beelaha Hawiye ee barwaaqada ah, ka hor istaaga beeraleyda Hawiye iney wax beertaan, cuuryaaminta joogtada ah ee siyaasiyiinta beelaha kale ka soo jeeda ay ku hayaan waxbarashada heerar keeda kala duwan, caafimaadka, keenista deegaanada beelaha Hawiye dego raashinka dhacay, daawada dhacday iyo daawada aan tayada laheyn.

 Aragtida isir naceyb ka xambaarsan ee ay wada qabaan beelaha maamulada dhistay ee kala ah Soomaaliland, Putland, Jubaland, Koofur galbeed iyo beelaha shanaad, rabitaanka ma dhaleys ka ah ee saldhigiisu yahay in saaxada jiritaanka umadeed laga saaro beelaha Hawiye si loo waayo siyaasiyiin, ganacsato, culumaa,udiin, aqoon yahano, dhalinyaro, haween iyo bulsho ku abtirsata beelaha Hawiye lehna awood ay wax ku diidi karaan kuna fulin karaan wax walba oo danahooda difaacaya maslaxana ay ugu jirto.

Qorsha yaashaas abaabulan oo ay ku mideysan yihiin Soomaalida degta deegaanada aan kor ku soo sheegnay, waxey beelaha Hawiye lagama maar maan uga dhigeysaa in aaney waqti dambe ku bixin doonin difaacida, maalgelinta, hagaajinta, hurumarinta iyo tayeynta dowladnimada afka baarkiis ah ee aaney daacada ka aheyn Soomaalida qabyaalada iyo naceyb ka calanka buluuga ah ay madax martay, beelahaasi waxey sameysteen calamo astaan qabyaaladeed lagu xardhay isla markaas-na gumeystayaasha soo jireen ka ah la sameystay is baheysiyo aan qarsooneyn.

Beelaha Hawiye waxaa ka go,an dhabna ka ah wixii ka dambeeya marka uu maqaal kaani soo baxo sidii ay u xoogeyn lahaayeen deegaanada ay degaan isla markaas-na ay ugu dhisi lahaayeen maamulo ay u madax banaan yihiin, fulinta howlahaas-na waxey beelaha Hawiye ku bixin doonaan wax walba oo lagu xaqiijin karo fulinta qorshayaasha hor yaala mudada fog iyo kan dhowba.

Beelaha Hawiye waxey waqtigooda intiisa badan isugu geyn doonaan sidii ay ugu madax banaanaan lahaayeen deegaanada ay degaan ayna ku magacaaban yihiin.

Taako dhul ah oo ay degaan beelaha Hawiyana lagama tanaasuli doono, waxaana lagu bixin doonaa, Naf, maal iyo waqti intaba Insha Allah, beelaha Hawiye waxey u noolaan doonaan si madax banaan inta laga helayo Soomaali u taagan horumarinta iyo hagaajinta jiritaanka Soomaalinimada iyo ilaalinta shuruucda Dalka iyo astaanta Qaranka ee ah calanka buluuga ah, dhamaad.

                

Comments