MAXAA SALDHIG U NOQON DOONA SIYAASADDA CUSUB EE AY KULA DHAQMI DOONAAN BEELLAHA HAWIYE SOOMAALIDA XAFILTANKA SIYAASADEED UU KALA DHEXEEYO SI LOOGA MIRA DHALIYO HIMILOOYINKA SIYAASADEED EE AY HIIGSANAYAAN! Q 2AAD.

MAXAA SALDHIG U NOQON DOONA SIYAASADDA CUSUB EE AY KULA DHAQMI DOONAAN BEELLAHA HAWIYE SOOMAALIDA XAFILTANKA SIYAASADEED UU KALA DHEXEEYO SI LOOGA MIRA DHALIYO HIMILOOYINKA SIYAASADEED EE AY HIIGSANAYAAN! Q 2AAD.

1- dhismaha golle guurti beelaha Hawiye ay yeelan doonaan, gollahaas guurtida ah ayaa saldhig u noqon doona aaya ka talinta, dhinacyadda dhaqanka, dib u heshiisiinta beelaha Hawiye iyo Soomaalida ay dhaqan wadaaga iyo ood wadaagtaba yihiin, golahaani wuxuu meesha ka saari doonaa dhaqan dooriyayaasha la degey heybadii dhaqan iyo maamuus ee ay lahaayeen beelaha Hawiye

2- dhismaha akadeemiyo lagu horumirin doono soo bandhigista siyaasad fur furan oo la jaan qaadi karta siyaasadaha casriga ah, wax badana ka barata kuwii laga soo gudbey ee horay Dalkeena uga soo dhacay iyo caalamkaba isla markaas-na keentay dib u dhaca aan maanta uga harnay bulshooyinka ku hadla afka Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa la dhisayaa siyaasiyiin la faltami karta lana xisaabtami kara shucuubta ay kala dhexeeyaan xafiltan siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah la xisaabtanka iyo wax qeybsiga ku dhisan siyaasada halbeega looga dhigay qabyaalada.

 Jiilalka cusub ee beelaha Hawiye ayaan dhaxlin haba yaraatee wax raasumaal siyaasadeed ah ee ay u reebaan madaxdii Hawiye ee nasiibka u yeelatay iney Dalkeena soo hogaamiyaan iyo siyaasiyiinta taariikhda ku lahaa fagaarayaasha siyaaasada Dalkeena.

Si looga gudbo habac sanaantaas ragaadisey siyaasada beelaha Hawiye abuurtayna ducfi siyaasadeed oo aan laheyn halbeeg leysku haleyn karo oo waxtarta bulshada lagu metelayo siyaasada, sidaas darteed waxaa la diyaarin doonaa taariikh siyaasadeedkii soo jireenka ahaa ee siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay ku soo dhaqmayeen iyadoo saldhig looga dhigayo guulihii siyaasadeed iyo guul darooyinkoodii si ay wax uga bartaan jiilalka soo socda ee isbedelka ku sameyn doona siyaasad waxtar leh ee hanaqaada ayna dhaxlaan bulshada ku abtirsata beelaha Hawiye.

Wixii hadda ka dambeeyana ma jiri doonto isla xisaabtan la,aan bulshada Hawiyana waxey dhaxal iyo raasumaal ka dhigan doontaa Insha Allah taariikh cad oo diiwaan gashan laguna qori doono diiwaanka dhanaca siyaasada ee beelaha Hawiye 

3- waxaa la dhisi doonaa xaafiis ka shaqeeya taariikhda halgamayaashii beelaha Hawiye ee naftooda iyo maalkoodaba u soo huray difaacida diinta, dalka iyo dadkaba.

Halgamayaasha waqtigaan noolna sidoo kale waxey heli doonaan ixtiraam iyo maamuus Qaran oo iyaga u gaar ah iyadoo wax walba lagu qiimeyn doono taariikhda halgan ee halgamayaasha waqtigaas la joogo leysla qirsan yahay.

Sidoo kale waxaa meesha laga saari doonaa bahdilaadii beelaha Hawiye ay kula dhaqmayeen dadkooda waxtarka u ah jiritaankooda iyo metaalada dhabta ah ee ay maamuuska iyo maqaamkaba ku heleen howlihii wanaagsanaa ee ay soo qabtaa geesiyaasha beelaha Hawiye ee taariikhda galay

4- waxaa boorka laga jafi doonaa taariikhda abwaanada Hawiye ee doorka dahabiga ah ka soo qaatay halgamadii gobonimo doonka ahaa ee lagula jirey gumeystayaashii talyaaniga, Ingiriiska iyo dowladihii kaligi taliska ahaa ee dalkeena soo xukumay, waxaa kale oo xusid iyo maamuus Qaran loo sameyn doonaa abwaanada Hawiye ee waqtigaan casriga ah ku jira horumarinta fanka iyo suugaanta Dalka

5- waxaa cilmi baaris iyo daraaseyn lagu sameyn doonaa culumaa,udiinka beelaha Hawiye ee qeybta weyn kasoo qaadatay horumarinta iyo fidinta Diinta islaamka, sidoo kalena waxaa la aruurin doonaa oo la sii balaarin doonaa cilmigii ay ka tageen culumaa,udiinka beelaha Hawiye kuwa nool iyo kuwii geeriyoodey AUN.

6- waxaa dib u habeyn iyo casriyeyn lagu sameyn doonaa hantida guurtida iyo ma guurtida ee Alle ku maneystay ganacsatada beelaha Hawiye meel walba oo ay joogaan Dal iyo dibad, waxaa si mug iyo miisaanba leh naf iyo maalba loogu bixin doonaa ilaalinta hantida ganacsatada beelaha Hawiye meel walba oo ay taalaba 

7- waxaa cilmi baaris dhameystiran lagu sameyn doonaa qeyraadka dihan ee Alle ku maneystay beelaha Hawiye, qeyraadkaas oo ceegaaga deegaanada baaxadda weyn ee ay degaan beelaha Hawiye marka aan tilmaan ka bixinana waxaa la dhihi karaa beelaha Hawiye waxey degaan min Raas caseyr ilaa Raas kaambooni, ama xuduudaha la aqoonsan yahay ee ay ka tageen gumeystayaashii reer galbeedku

8- beelaha Hawiye waxey ixtiraamayaan xuduudaha ay dhigteen beelaha Soomaaliyeed ee ay madax martay qabyaalada iyo nin jecleysigu, sidaas si la mid ah ayaaney beelaha Hawiye aqbali doonin in afmiishaarnimo iyo xoog intaba lagu heysto deegaanada ay degaan shucuubta ku abtirsata beelaha Hawiye, ka jawaabista duulaan kasta oo ka yimaada beelaha Soomaaliyeed ee dhul doonka ahna waxaan ku qaban doonaa gacan adag oo quusin doonta damacooda guracan ee dhul boobka ku dhisan 

9- beelaha Hawiye waxey si cad oo aan daah saarneyn ugu cadeynayaan beelaha Soomaaliyeed ee dhistay maamuladda kala ah Soomaaliland, Putland, Jubaland, Koofur galbeed iyo beesha shanaad, inaan marnaba laga aqbali doonin damacooda ah (KEYGANA ANIGAA ISKA LEH KAAGANA KULA LIHI).

Beelahaas aan kor kusoo sheegnay ayaan waxba ku darsan haba yaraatee beelaha Hawiye ee dega koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, beelahaas ayaa caadeystey iney usoo shaqo tagaan oo ay dhaqaale badana ka aruursadaan deegaanada Hawiye ee ay ugu horeyso caasimada Muqdsho iyo magaalooyin fara badan oo ay taalo hantida Hawiye ayna dhaqaale iyo shaqo doonad-ba ugu yimaadaan beelaha Soomaaliyeed ee Safka ugu jira boobka hantida beelaha Hawiye 

Sidoo kale waxaan la aqbali doonin oo la joojin doonaa siyaasiyiinta dhaqaale raadiska ah ee ka kala yimaada maamuladda Soomaaliland, Putland, Jubaland, Koofur galbeed iyo soomaalida degta ismaamulada Itoobiya iyo Kenya, siyaasiyiin taas hanti boobka u yimaada inta badan waxey ku doodaan dowladda ayaan ka mid nahay sababtaas darteed ayaan ku joognaa deegaanada beelaha Hawiye. Aqriste la soco Q 3aad Insha Allah.

                 

Comments