Madaxweyne Cali Mahdi oo caawo geeriyooday

Allaha u naxariisto madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo caawa ku geeriyooday magaaladda Nairobi. Cali oo ku dhashay gobalka Sh/dhexe dabshidkii 1938-dii, wuxuu wax ku bartay Muqdisho iyo Qahira. 

Wuxuu 1969-kii noqday mudanihii ugu da'ada yaraa ee loo doorto Baarlamaankii Soomaaliya. Wuxuu kasoo shaqeeyay wasaaradda caafimaadka. Intii u dhaxeysay 1991 ilaa 2000 ayaa la labo jeer loo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya. 

Cali Mahdi oo ka mid ahaa siyaasiyiintii soo saaray baaqii Maxamed Siyaad eedsaday ee Manifesto ayaa sidoo kale waqti dheer ahaa ganacsade si weyn loo xushmeeyo.

2007-dii wuxuu ahaa hormuudkii shirkii dib u heshiisiinta ee la isugu keenay beelaha Soomaaliyeed kaas oo ka dhacay Muqdisho. 

Cali Mahdi wuxuu ka mid ahaa hormuudkii mashruucii dimuqraadiyad-doonka Soomaaliya ee lagu diiday inuu xukunku hal qof gacanta ugu jiro, dadkana lagu dhibaateeyo, taasoo uu si weyn uga horyimid.

Wuxuu caawa ku geeriyooday magaaladda Nairobi xilli mashruucii uu usoo diraray ee qori isu dhiibka hoggaanka Dowladnimada Soomaaliya, ay cabsi badan agtaalo. 

Waxaan murugada la wadaagaya guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelkiisa iyo qoyskii uu ka baxay. 

Allaha u naxariisto madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Comments