Waa kuma Xaaji Axmed Fiqi?



AXMAD FIQI' wuxuu ku dhashay gobolka hiiraan 4/1850 waxuu heeb ahaan soo jeedo beesha JIJEELE GUGUNDHABE HAWIYE 17jir ayuu xaafidul QURAAN ahaa, 


wuxuu doon karaacay gobolka Banadir asagoo cilmi iyo aqoon ko'rarsi u aaday 'XIJAAS’ waxaa loo yaqanaa MAKA IYO MADINA,

wuxuu wax barasho ugalay machadka kuyaal magalada MAKA ee hada loo yaqaano 'UMUL'QURAA' waxeey machadk ka isku barteeyn 'SAYID MAXAMAD CABULE XASAN' asagoo cilmi doon ahaa,

AXMADFIQI wuxuu bartay cilmiga FIQIGA iyo shareecada islaamka, sidaa darteeyd ayaa loogu bixiyay 'FIQI' wuxuuna dhameestay,3/9/1890

Haaji Ahmed Fiqi wuxuu qabtay ama aaday magalada 'BARBARA' Somaliland si uu dadka diinta u baro, wuxuu barbara ka noqday nin khabiir ah luqada carabigana aad ubartay kana jawaabo masal kaste ee ah cilmiga FIQIGA, AXMADFIQI wuxuu barbara ka guursaday gabadh bilcaan oo ka soo jeedo reer barbara oo ah duriyada beesha isaaq.

masjid ayuu wuxuu ka ahaa IMAAMKA dadkuna diinta kubari jiray, gabadhii xaaskiisa waxeey udhashay gabar, kadib waxaa yimid barbara SAYID MAXAMAD CABDULE XASAN oo cilmiga diinta soo dhameestay, waxaa meesha ku soo dhaweeyay AXMADFIQI iyo ardaydiisa, kadib waxeey ku heshiiyeen in galbeedka aadaan oo dadka diinta gaarsiiyaan,

aakhirkii waxeey abaabuleeyn mawlacyo badan oo loo diin'doonto,waxeey isku afgarteeyn in eey dagaan gobolka TALEEX oo aheeyd dagaan istaraatijo ah hadana dagaan sayidka reer abtigiis dhulbahante,

Waxay dad badani maqleen ama ka dharagsan yihiin halgankii Daraawiisheed ee uu Sayid Maxamed Abdullah hassan uu hogaaminaayay .

Sayidka oo qabiil ahaan ka soo jeeday qabiilka Ogaadeen Khaasatan bahgari , Dadku uu majaraha u hayay ama waqtigaa uu madax u ahaa ee daraawishta ahaana ay u badnaayeen qabiilka Dhulbahante . Hadaba sida ay dadka badankii u haystaan daraawiishi dhulbahante iyo sayidkuun kuma koobnayne waxaa jiray rag miisan culus kulahaa oo arrinka iyo talada daraawiishta looga dambayn jiray oo aan Dhulbahante iyo ogaadeen midna aan ahayn ama hadaan si kale u dhigo aan daaroodba ahayn..

Ragaa waxaa ka mid ah ragii ugu caan sanaa Ina shixiri oo ahaa Isaaq habar jeclo aadan madoobe iyo Xaji Axmed fiqi Faarax Maxamed oo ahaa sida ay taariikhdu sheegto ninka Khusuusida daraawishta hastay .Khusuusidu waxaan ahaan jiray 7 nin oo ay talada daraawiishtu ka go'do ama sayid uu la tashan jiray marka ay taladu ku ciirto. 7 daa nin waxaa madax u ahaa ama kor ka haysan jiray, Xaaji "AXMAD FIQI" Faarax maxamed oo ahaa nin (kasoo jeedo Beesha Jijeele gugundhabe ) , ahaana nin diinta aad iyo aad looga dambeeyay sayidkana kala yimid bari carab ama dhulka carabta .AXMEDFIQI waxa uu aahaa nin carabiga iyo soomaaliga aad u yaqaana xataa gabayo lahaa oo ahaa nin gabyi jiray in kasta oo aan gabayadiisii wax sidaa u badan laga hayn , Waxaana u ahaa ninki talada ugu dambaysa ee 7 aa nin ka soo baxda iska lahaa.. maamuus iyo maqaam sare ayaanu kulahaa daraawiishta dhaxdeeda taasina waxay gayaysiisay inuu la xididdo sayidka isaga oo guursaday sayidka walaashii dheeho ama dhuuxo sida ay taariikhdu sheegto. hadaba aduun samo iyo wanaag kuma waaree waxaa dhacday in ay khusuusidii markay dhan walba ka eegeen Sayidka waxa uu samaynaayo ay u bogi waayeen deetana rag talo iyo tashi kama dhamaadee ay tashadeen kuna tashadeen in Sayidka laga takhaluso laguna cinqilaabo geed la'odhan jiray canjeel talawa bishi 6/6/1910.. Maalin ayaa la balamay sayidkana been loo sheegay oo la yidhi shir ayaan ku yeelanaynaa geedkaa .. waxaa mu'aamaradaana madax ka ahaa rag raga dagaanaka u badan idana uga haystay Xaaji axmed fiqi oo arrinka ku raacsanaa.. Laakiin aanu sayidku ka filayn inuu marna ka hor iman doono maadaama uu ahaa saaxiibkii run ah kalana yimid carabaha walaashiina qabay oo ay xidid ahaayen.. Markii maalintii sayidka la dililahaa geedkii la iskugu yimid waxaa arrintii fashiliyay nin qorshaha wax ka ogaa laakiin sayidka aad u jeclaa ninkaas ayaa sayidka hoos ugu sheegay markii dilkiisii wax yari ka hadhay halkaa dagaal ayaa ka dhacay dad badan ayaa ku dhintay laakiin ilaahay wuu nabad galiyay Xaaji axmed fiqi oo waxaa uu ka mid ahaa ragii baxsaday ee aanay seeftii sayidka iyo kooxdiisii heerin.. Waxaanay taariikhdu sheegtay inuu Sayidku dilay 3 wiil oo Axmed fiqi uu dhalay oo uu sayidka walaashii ka dhalay markii uu Xaajiga gaadhi waayay .Waxaana uu sayidku caada u lahaa inuu ubadka raga ka fakado uu dilo si uu ugaaro oo waxaa taa ka mid ah markii nin Ina shixiri ee habalo afkaday inuu dilay 7 wi uu ina shixiri dhalay si uu uga aarsado oo waakii gabayga ku lahaa ( arki maysid ina shixiriyoow inama daadiiyeeye )

Markaa waxaa la sheegay inu uu Axmeed fiqi kasoo baxsaday xagaa gaalkacyo iyo carro majeerteen ilaa hobyo xiligaas oo madax kaahaa suldan cali yusuf, suldan cali yusuf ayaa soo dhaweeyay axmadfiqi halkaasna diintiisa iyo madaraso quraan iyo imaam masjid ka bilaaway wuxuuna guursaday oo laxididay gabar reer xirsi majeerteen ilmana u dhashay kuna noolaa ilaa in muddo ah,

gabaygii ku baxay axmed fiqi wuxuu ahaa sidatan,

Sareedad aduun cismaanoow subaxba waa cayne Surin aanad filinbaa wax kale kugu saloogtaane Saqiir iyo kabiir dadkii saar xunbaa helaye Ana way i sidataa ilayn sulufka waa beene saka adhi waxaan siiya oon sulub u loogaabe Axmed fiqi sawaab kagama helin sadaqadaydiiye Markaan sabi ahaa iyo hadoon sayma oday yeeshan Saaxiibkii aan yeeshaaba waa saancad iyo hooge, kol hadaanu sabankeer naflihii saafi noqonaynin Alahayoow adaa saatiree suubi taladayda,ninkii aan mooday waa seedigeeyee waa saylab lagu'rabee sawaab kagama helinee sadaqadii axmedfiqi.

Golaha Midnimada Jijeele

Comments

Anonymous said…
Xaaji Axmad Fiqi Jijjeele ma eheen, Harti Abgaal waaye waliba Awbokor Gaabane, awoowahey isirkiis been haka sheegin.