Waa kuma General Dauud Abdulle Xirsi?



Gen. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ee yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Daauud Abdulle Xirsi wuxuu ku dhashay magaalada Mareeg ee hoostagta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sanadkii 1924 halkaas oo uu ku dhameeye aqoontiisa Qur’aanka asagoo da’ yar ah.


Mudo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaare shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab.


Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii 1950 meeyadii ayaa taliskii Talyaaniga ku soo noqde koonfurta Soomaaliyaa Janaraal Daauud ku guulayte imtixaan uu u galay leyli sarkaal. Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku soo dhamaystey tababarkii ciidan ee sarkaalnimada.

1954kii ayuu ku soo laabtay Soomaaliya, wuxuuna ku shaqeynayay sarkaalnimo dhinaca booliiska kadibna wuxuu ka qeyb galay diyaarintii ciidammadii Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay markaas abaabulaysey dowladii daaqiliyada ahayd ee uu horkacaaye Cabdullaahi Ciise.

Xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee 14/04/1960kii ayaa darajadda Janaraalka ah u dalacsiiyay Daauud Cabdulle Xirsi oo noqday taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyey.

Waxa uu noqday taliyihii ugu da,da yaraa taariikhda soomara ee maamula ciidanka qaranka sidoo kale waxaa lagu xasuustaa janaraal daa,uud cabdulle xersi in uu soo saaray dadka ugu magaca dheer xaga ciidanka sida (( j maxamed nuur gallaal ,j macamed faarax caaydiid , col c/laahi yuusuf axmed ,j c/raxmaan mujrim /j c/raxmaan siigeeyste , j maxamed liiqliiqato )) iyo in kale oo badan . sidoo kale waxa uu taliye u ahaa kana soo hoos shaqeeyay taliyihii ciidanka milatariga soomaaliye ee ugu horeeyay ((j maxamed abshir muushe ))iyo ((j maxamed cali samatar , jsalaad gabeyre , j gorgor ))iyo ((j maxamed siyad barre )) oo mar aha madaxweynihii dalka soomaaliya. oo in toodaba sheegeen in eey ka istafiidiin aqaan dheeraad ah ,

Nasiibxumose, Allahaa u naxariistee Janaraal Daauud Cabdulle Xirsi wuxuu ku geeriyoodey magaalada Moosko ee dalka Ruushka calanka Soomaaliyeed oo aan shan jirsan, asagoo jira 41 jir.

waxa uu ahaa Ninkii ugu horeyay ee oo magaaacabo General somalia, waxaa xilkaas u magaacaya Raisulwasaarihii Xiligaas Cabdullaahi Ciise Maxamuud.

Jenanka waxaa uu ahaa qof diinta ku wanaagsan oo baari ah, kuna dadaala runta, waxaana la sheegay inuusan dadka jidka ku dhaafi jirin, isagoo hore u qaadi jiray maadaama uu watay baabuur ahaana sarkaal sare, iskama dhowri jirin dadka shicibka ah.

Generalka wxaa uu guula la taaban karo ka gaaray Dagaalki somalia ay la gsahay Ethopia Sanadii 1964 Markaas oo loo aqoonsaday Halgamaa Hal ku Dhig leh oo aad loo Xurmeeyo. Dhanka kale waxaa Jira qabuuro loogu Magacdaray Ganeralka o la yiraah General Daa,uud oo ku Yaala Dagamada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir iyo sidoo kale wadada Jen Daa’uud iyo weliba iskoolada Dhexe & sare ee Jen: daa’uud oo iyaguna ku yaal degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Waxaa intaas dheer in jenanku ay jeclaayeen ciidamadii Soomaaliyeed, maadaama uu aad ugu dadaali jiray noloshooda. Generalka aad ayaa looga xushmaayaa Somaliya oo idil Xataa Xiliyadii uu Noolaa wax uu quudin jirey dadka Tabarata Yar ee soo beegsaday xiryaha ciidamada oo uu oran jirey waxa Walba oo aad aragataa oo aala Xiarayaha ciidamada Waa Cuni kartaan.

Comments